Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ayaa soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka Soomaaliya ee SOMCAS, kaasi oo ku saabsan xeerarka iyo nidaamka kastamka qeybahiisa kala duwan, sida nidaamka xafiisyada kastamadda loo maro, badeecadaha dhoofaya iyo kuwa soo dega, qoondeynta canshuuraha iyo qiimeynta, iyo guud ahaan macluumaadka la xiriira adeega kastamadda caariga ah ee dunida ka jiro.
Munaasabad lagu soo bandhigayay barnaamijkan oo dhawaan la hirgelin doono oo laguna qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulayaasha Furdooyinka Garoonka Aadan Cadde iyo dekadda Muqdisho, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Saraakiil ka soctay Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha guud ee Dakhliga Wasaaradda iyo masuuliyiin kale.
Cabdifutaax Feysal maamulaha Furdooyinka Garoonka Aadan Cadde ayaa ugu horreyn kulanka furay Sidoo kale Agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Proff Ciise Maxamuud Xalane oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in nidaamkaan uu meesha ka saari doono musuqa badeecadaha ka soo dego dekadda haddii barnaamijkan la hirgeliyo isagoona ku baaqay in Wasaaraddaha kale ay kala saaraan wixii farsamo iyo adeegyo kale ah.
Taliyaha hogaanka canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdullahi Xasan Bariise ayaa dhiniciisa tilmaamay in barnaamijkan casariga ah uu door weyn ka qaadan doono howlaha dardargelinta canshuuraha.