Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xaley aqalka
Madaxtooyada ku qaabilay xubnaha xildhibaanada golaha shacabka ee lagu
doortay Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyey Xildhibaannadan la doortay ee kamid
noqonaya golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS.
Waxaa Madaxweynahu uu kula dardaarmay ka shaqeynta midnimada
ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga shaqeeyn lahaa samatabixinta dalka.