Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo wali ay kajiraan qaar kamid ah gobalada dalka abaaro baahsan ayaa waxaa deegaanka dhoobley ee gobolka jubada hoose iyo deegaanada hoos yimaada ka curtay roobkii dayrta oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyadaba.
Roobabkaasi dhawaan da’ay ayaa sababay in ay xidhmaan wadooyinka u dhaxeeya magaalada dhoobley iyo kismaayo iyo degaanada hoos yimaada taasi oo saamayn ku yeelatay guud ahaan isku socdii u dhexeeyay labada magaalo.
Qaar kamid ah Gaadiidleyda deegaanka Dhoobley ee gobalka jubada hoose oo radio sanguuni lahadlay ayaa sheegay in jid xiranka ku yimid Wadada xidhiidhisa Dhoobley iyo Kismaayo uu saameyn ku yeelatay shaqadooda madaama ay Wadayaal ka ahayeen Baaburta Wadadaasi mari jirtay hadana ayna jirin wax ay qabtaan iyagoo walaac ka muujiyeen hakadka galay shaqadooda
Dhanka kale Gaadiidleydaasi ayaa sheegay in ay ku faraxsan raxmada eebe oo ku soo aaday xili lagu jiray abaaro baahsan.
Gaadiidleyda ayaa sido kale cabasho ka muujiyay sare u kaca ku yimid shidaalka oo saamyn baladhan ku yeelatay shaqadooda iyagoo ganacsatada deegaanka ka codsaday in ay ka khafiifiyaan shidaalka sare u kaca ku yimid.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya