Qiimaha raashinka qutul daruuriga oo sare uga kacay Magaalada Dhoobley

0
623

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa laga dareemayaa Sare u kac xoogan oo ku yimid qiimaha maciishada quutul daruuriga iyadoo uu sare u kacaasi uu saamayn ku yeeshay noolosha dadka dan yarta ah ee ku nool magaalada dhoobley ee aan awoodin in ay qiime sare wax ku iibsadaan.

Ganacsatada iibisa nuucyada kala duwan ee maciishada ee suuqyada Magaalada Dhoobley oo Radio Sanguuni lahadlay ayaa sare u kaca maciishada u sababeeyay cudurka carona virus ee dunida ragaadiyay  iyo sido kale  roobabka kada’ay deegaanka oo saameeyay wadada isku xidhta dhoobley iyo kismaayo taasi uu ka iman jiray rashinka quutul daruuriga.

Qaar kamid ah bulshada Deegaanka Dhoobley ayaa iyagana sheegay in sare u kacan uu saameeyay dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyagona baaq u diray dhamaan ganacsatada deegaanka in ay ka khafiifiyaan miciishada dadka danyarta ee aan awoodin in qiimo sare wax iibsadaan.

Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan inooga diyaariyay