Dhaqaatiirta Deegaanka Dhoobley oo ka digay halista xanuunka Hargabka.

0
209

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Cudurka Hargabka waa caabuq kaasi oo saameeya neef mareenka iyo sambabada dadka, Waxaa sababa feyras kaasi oo si fudud ugu faafa dadka dhexdooda qofba qofka kale.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa bulshada Magaalada Dhoobley si xawli ah uga faafay xanuunka Hargabka.

Agaasimaha isbitaalka guud ee Magaalada Dhoobley Dr Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay iso tarayaan kiisaska bukaanada la xanuunsan Hargabka ee Magaalada Dhoobley iyo nawaaxigeeda.

Dhanka kale Dr Aaden Cusmaan oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka guud ee Magaalada Dhoobley ayaa ka warbixiyay sida bulshada Deegaanka Dhoobley u saameeyay xanuunka Hargabka.