Mareykanka oo xayiraadda ka qaadaya 8 dal oo African ah

0
194
YICHANG, CHINA - JANUARY 21 2020: Travelers wearing protective masks walk outside a railway station in Yichang in central China's Hubei province Tuesday, Jan. 21, 2020. China has stepped up the measures to control the spread of the new coronavirus that has infected hundreds of people in China.- PHOTOGRAPH BY Feature China / Barcroft Media (Photo credit should read Feature China / Barcroft Media via Getty Images)

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in madaxweyne Joe Biden uu dhamaadka bishaan ka qaadi doonno xayiraaddii dhanka socdaalka, ilaa 8 waddan oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Africa.

Maamulka Biden ayaa bishi November xayiray dhammaan safarradi ka imaan lahaa dalalka South Africa, Botswana, Zimbabwe, Namibia, Lesotho, Eswatini, Mozambique iyo Malawi, sababo la xiriira cabsi laga qabay faafista nuqulka cusub ee Omicron ee xanuunka COVID-19. Xayiraaddaasi ma qabaneyn muwaadiniinta Mareykanka.

Sarkaalka u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay, in 31-ka Bishan December laga qaadi doono xayiraadda dhammaan muwaadiniinta u dhashay dalalkaas ee raba inay soo galaan Mareykanka.

Cudurka COVID-19 nuuciisa cusub ee Omicron ayaa la sheegay in marki ugu horreysay laga helay South Africa, arrintaas oo Koofur Africa gaarsiiyay dhibaato dhaqaale, kaddib marki ay dalal badan oo caalamka ah go’doomiyeen.