Dhalinyarada Dhoobley oo ka Hadlay Faa’iidooyinka dhanka Waxbarashada ee Isticmaalka Internet-ka

0
526

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tiknologiyadu ayaa la sheegaa Casrigaan lajoogo in ay noqotay qayb muhiima oo ka mid ah nolosha bina’aadamka. Waa wax faa’iido iyo khasaaraba lagu qabo, waa seef laba afleh oo dhankasta (samaan iyo xumaan) loo adeegsankaro.

Technology-da marka dhinaca wanaagsan laga eego waxay qayb ka tahay horumarka dhinaca dhaqaalaha, waxbarashada, maamulka dowliga ah iyo mida hay’adaha gaarka ah.

Ardey badan ayaa internetka u isticmaala dhanka wanaagsan kuwaas oo kaga faadeesta in kala soo dagaan casharro wax ku ool ah oo waxbarashasooda sare u qaadaya.

Qaar kamida ah ardayda waxbarta ee ku nool deegaanka dhoobley ayaa ka hadlay faa’dada internetka uu u leeyahay dhanka waxbarashada.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay