Soomaaliya & Pakistaan oo ka wada hadlay Amniga & Ganacsiga

0
390

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galay Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Baakistaan  Shah Mahmood Qureshi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saaray adkaynta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Soomaaaliya iyo Baakistaan ee dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, sayniska iyo tiknoolojiyadda, iyaga oo isla gartay in labada dal ay dhowaan wada garaan heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimahaas.

Dowladda Pakistaan ayaan wax saameyn ballaaran ah ku laheyn Soomaaliya, hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed qaarkood ayaa u aada dalkaas caafimaad iyo waxbarasho.