Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Guud ee Deegaanka Dhoobley oo ka warbixiyay Baahiyaha ka jira Isbitaalka.

0
196

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dr Maxamed Xasan Agaasimaha Isbitaalka guud ee Deegaanka Dhoobley ee Gobolka jubbada ayaa kawarbixiyay Baahiyaha ka jira Isbitaalka waxana uu shegay in Isbitaalku u qaabilo Dadweyne Farabadan oo kala yimaada xaafadaha Dhoobley iyo sido kale Deeganada hoos yimaada Dhoobley.

Daawooyinka Isbitaalka ayuu sheegay Agaasimahu in ayna xiligan ku filneyn marka loo firiyo bulshada xaaladaha Caafimaad u soo aada Isbitaalka.

Ugu danbeyntii Agaasime Maxamed ayaa ka warbixiyay qoryaasha u dagsan iyo waxyabaha lagu soo kordhin doono Isbitaalka Maadamo Dadweyne Badan ay ku xidhan yihiin meelo kala duwana uga yimaadaan Isbitaalka.

Isbitaalka guud ee Deegaanka Dhoobley ayaa Bulshada Dhoobley iyo nawaaxigeeda u fidiya Adeegyo kala duwan oo lacag la’aan ah kaasi oo ay waxbadan ka faa’iideen Bulshada Danyarta ee aan awoodin in ay iska Daaweeyaan Isbitaalaada Gaarka loo leeyahay.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa