Dugsiyada Lagu barto Qur’aanka Kariimka ah oo wayadan dambe habka wax loogu barto is badal ku yimid.

0
226

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Goobaha Lagu barto Qur’aanka Kariimka ah ayaa wayadii dambe waxaa lagu samaynayay is badal dhanka qalabka wax lagu dhigto ah waxana soo badanayay Dugsiyada wax lagu dhiganayo Buugaagta iyo Kiitaabada xili wayadii hore wax lagu baran jiray Looxda.

Hadaba qaar kamid ah macalimiinta wax kadhiga dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Deegaanka Dhoobley oo aan waraysi layeelanay ayaa nooga warbixiyay  isbadalka ku yimid habka waxbarasho ee Madaarista Qur’aanka taasi oo awal hore wax lagu baran jiray Looxda balse hada Buugaagta iyo Kiitaabada wax lagu baro Ardayda.

iyagoona intaasi ku daray in ardaydii hore iyo tan hada uu farqi wayn u dhaxeeyo maadama ay ay ardaydii hore ee wax ku baran jirtay looxda ay ka fahma badnayd kuwa hada Buugaagta wax kubarta loona sababaynayo Aaladaha cusub ee Teknaloojiyadda ee mudooyinkii dambe soobadanayay.

Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya