Xoolo dhaqato ay saameysay Abaarta dalka ka jirta oo codsaday in loo fidiyo gar gaar.

0
440

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose waxaa ay ka mid tahay degmooyinka  ee ay sida ba’an u saamaysay abaarta ku dhufatay qeybo badan oo kamid  ah Gobolada Dalka.

Hadaba abaarta kajirta dagmada badhaadhe ayaa waxa ay saamaysay bulshada qaybeheeda kala duwan meelaha sida xooga leh u saameysay dadka xoola dhaqatada ee ku nool dagmadaasi.

Qaar kamid ah dadka xoola dhaqatada ah ku nool dagmada  Badhaadhe oo ay xoolohoodii dhaafisay Abaarta ka jirta Dalka oo radio sanguuni lahadlay ayaa sheegay in ayna haysan wax ay ku nolaadaan maadama ay gacantooda ka baxeen xoolahoodi.Dowlad goboleedka jubbaland iyo Hay’addaha samafalka ayey ka codsadeen in loo fidiyo gargaar bini’adanimo

Xaaladda abaarta ee Soomaaliya ka jirto ayaa laga deyrinayaa ka dib markii dalka aysan ka di’in roobab wanaagsan muddo dhowr sano ah.Abaarta ayaa saamayn balaadhan ku reebtay dadka ku nool qaar kamid ah gobolada dalka, waxayna si weyn u taabatay dad u badan xoolo dhaqato.

Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan ku eegaya