Goobaha Jimicsiga oo ku soo badanayaan Magaalada Kismaayo

0
266

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose waxaa mudooyinkii danbe kusoo badanaayay goobaha jirdhiska ah.Kismaayo fitness jiim waxaa ku kulma dhalinyaro badan kuwaas oo siyaaba kala duwan u imaada, Qaar ayaa miizaanka jidhkooda dhimaya
Qaarna waxa ay jirkooda ku kordhinayaan miisaanka.

Way adagtahay in la badalo qofka muuqaalkiisa jireed iyadoo loo isticmaalayo xeelada kala duwan balse dhalinyaradani waxa ay tahay muhiimada ay halkaasi u aadaan inay badalaan qaab dhismeedka jirkooda.

Qaar kamid ah dhalinyaradaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay jiimka iyo faa’iidada uu u leeyahay dhalinyarada.

Dhigtoor Axmed Maxamed Xussein cinro oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala Magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay dhanka caafimaadka faa,idada iyo faa’iido darada uu leeyahay jiimka.

Macalin jaamac waa maamulaha xarunta kismayo fitness jiim waxuuna ka warbixiyay aas,aaska jiimkani iyo faa’iidada jiimka u leeyahay dhalinyarada.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya