SAWIRO:- Dab khasaaro geystay oo ka kacay Suuqa xerada Dhagaxley

0
296

Suuqan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn degaankaas ayaa dabkaasi uu burburiyey meherado iyo dukaano badan oo ganacsi.

Muuqaallada laga soo duubay suuqaas ayaa muujinaya dabka oo gubaya dhismayaasha ka samaysan bacaha iyo maryaha, iyo dadka oo ka cararaya dabka.

Suuqan ayaa la sheegay inaysan ahayn markii ugu horraysay ee uu dab ka kaco, waxaana weli cadeyn khasaaraha uu dabkani gaystay inta uu le’eg yahay ilaa hadda.