Bulshada Deegaanka Dhoobley oo loogu baaqay in ay Caawiyaan dadka ay abaaruhu saameyeen.

0
237

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Abaaraha xilligan ka jira qeybo kamid ah soomaliya ayaa ka dhigaya dhibaatooyinka bini’aadanimo kuwii ugu darnaa ee abid soo mara dalkeena.

Waxaa jiro biyo yeri soo noqnoqday kadib markii roobabka deyrta ay dhib u daceen. Nafaqo darro ba’an ayaa lasoo sheegayaa taasi oo sabab u ah biyo iyo caano la’aan kadib markii dadka xoolo dhaqatada ahaa ay abaartu ka leysay xolihii ay dhaqanayeen.

Bilihii la soo dhaafay  dad badan oo ay abaartu saameysay ayaa barakacay, dadka nugul sida caruurta iyo waayeelka ayaa dhibaatooyinkasi si weyn u aafeeyeen.

Culumaaudiinka Deegaanka Dhoobley ayaa ku baaqay in lacaawiyo dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku nool gobolka Jubada Hoose.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa