Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo maanta furtay Shir looga hadlayo Daraaseynta Khataraha Soo noqnoqda

0
218

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Gargaarka & Maareeynta Musiibooyinka ayaa maanta furtay shirka Madasha Qaran Ee yareynta Khataraha Musiibooyinka kaasi oo ka furmay hoolka shirarka Afisyooni.

Daah-furka Madashan oo looga hadlayo Daraaseynta Yareynta Khataraha Musiibooyinka iyo saameeynta ka hor-tagga Abaaraha, isbedelka Cimilada, fatahaadaha iyo Ayaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradaha Shaqo wadaagga la ah sida Wasaaradda Beeraha iyo Caafimaadka, Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, iyo mas’uuliyiinta dhinaca maareynta musiibooyinka ee Xafiiska QM.

Wasiirka wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo khudbad jeedisay ayaa ka warbixisay saameynta iyo Khataraha musiibooyinka, madashan ayaa laga sugayaa in laga soo saaro warbixin cilmi baaris ah oo lagu eegayo khataraha Musiibooyinka soo noqnoqday ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa.