Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar ka sii dareysa ka dib saddex xilli oo isku xigta oo roobabku ay baaqdeen, waxayna halis ugu jirtaa xilli-roobaadka afaraad oo xiriir ah oo aan si wanaagsan loo helin sanadkaan 2021, sida ay dhawaan sheegtay Qaramada Midoobay.
Gobollada sida ba’an u saameysay abaaraha xilligan ee Soomaaliya waxaa ka mid ah Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug iyo qeybo ka mid ah gobollada Bari, Nugaal, iyo Hiiraan.
Saameynta abaarta ayaa guud ahaan dalka siweyn loga dareemayaa iyado inta badan ay xoolihii dhaafeen dadka ay rer Miyiga ah oo xiligan barakac ku noqdqay Magaalooyinka iyo sido kale tulooyinka.
Haweenka iyo carruurta ayaa kamid ah dadka ugu badan ee saameynada kala duwan kala kulma Abaaraha iyo duruufaha kala duwan ee ka jira Dalka
qaar kamid ah Haweenka barakacayaasha ah ee ku nool kaamamka Magalada Dhoobley ayaa codsaday in loo fidiyo gaar-gaar Bin’aadanimo iyago shegay in ay xiligan heysnin guud ahaan waxaayabaha aas-aasiga u ah nolosha oo ay ugu horeeyaan Biyo,Raashin, Caafimaad,iyo waxbarasho.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa