Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Shir uga qeyb galay dalka Masar

0
213

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar  kaga qeybgalay shirka 14aad ee ururka Waxbarashada, Hiddaha iyo Cilmiga u qaabilsan wadamada Islaamka ee loo-soo gaabiyo (ICESCO), kaasi oo Magaalada Qaahira ka furay Madaxwaynaha Dalka Masar mudane Cabdifitaax Alsiis.

Wasiirka Waxbarashada Eng Cabdullahi Carab oo warbixin ka siiyay ururka (ICESCO), horumarada Waxbarashada, Hiddaha, Cilmi baarista dalka, ayaa u sheegay in Waxbarashada Soomaaliya ay sameyneysay xaalad soo kabasho ah sidoo kalana dowladda ay hiigsaneyso in ay horumariso Waxbarashada iyo Cilmi-baarista.

Wasiirka Waxbarashada iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ay la kulmi doonaan dhigagooda Wasaaradda Waxbarashada Dalka Masar iyo madax kala duwan oo ka socda Wadamada Islaamka.