Finland oo Deeq Lacageed Ku Taakuleysay Waxbarashada Soomaaliya

0
193

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xukuumadda Finland ayaa lacag dhan 7.65 milyan oo yuuroo ugu deeqday horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dowladda Soomaaliya, Finland iyo UNICEF, ayuu Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ku sheegay in deeqdan lacageed ay fududeyn doonto in carruur badani ay ku soo biiraan iskuullada.

Danjiraha Filand Pirkka Tapiola ayaa isna sheegay in ka dowlad ahaan ay ku faraxsanyihiin in lacagahaas ay marsiiyaan Hay’adda UNICEF si carruurta Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan dhanka waxbarashada oo ah xaq asaasi ah oo ay mudanyihiin in lagu garab istaago.

Ujeedka dowladda Finlan ay ka leedahay deeqdan lacageed ayuu danjiruhu ku sheegay in lagu fududeeyo adeegyada waxbarashada ee ay u baahanyihiin carruurta Soomaaliyeed.

Hay’adda UNICEF ayaa dhankeeda sheegtay in ay dadaal ugu jirto ballaarinta waaxda waxbarashada ee Soomaaliya si loo damaanad qaado in carruurta yaryari ay helaan heerarka waxbarasho ee xannaanada iyo Dugsiga Hooose.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay dadaal badan ku bixisay in ay furto dugsiyo waxbarasho sis are loogu qaado tirada carruurta waxbarashada heysata ee dalka hase yeeshee duruufaha tiro dhaafay ee ka jira dalka awgood ayaanay carruur badani wali u suuragelin in ay helaan dugsiyo ay wax ku bartaan.