Maamulka gobalka Jubbada Hoose oo ugu baaqay Ha’yadaha samafalka in ay gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro dadka ay abaartu saameysay.

0
270

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullahi Cali Gooni oo xafiiskiisa Shir Jaraa’id ku qabtay ayaa baaqa ku adan u gurmadshada dadka xoola dhaqatada ah ee sida weyn u saameysay Abaarta ka jirta Dalka Gaar ahaan Deeganada Dowlad Goboleedka Jubbalaand udiray Ha’yaddaha samafalka ee ka howlgala Dalka gaar ahaan Jubbalaand si ay kaalintooda uga qaataan samata bixinta dadkaasi.

Shacabka iyo Dowlada oo isku duban ayaa muu jiyay dadal badan oo lagu gormanayo dadka ay abaartu saameysay ee ku barakacay Deegaanada kala duwan kuwaas oo u baahan Gar gaar Bini’adanimo.

Cabdirashiid Cabdullahi Cali Gooni Guddomiyaha Gobolka jubbada Hoose ayaa ku amaanay Shacabka Magaalada Kismaayo Garab istaaga ay u muu jiyeen dadka Walaalahoda ah ay saameysay Abaarta ka jirta dalka.

Dhankalee Guddoomiye Gooni ayaa Ha’yaddaha samafalka faray in aan Shacabka lagu heyn karin Xeryaha Barakacyaasha balse loo baahan yahay in dibu dajin loo sameeyo laguna caawiyo Deegaanada ay ka soo barakaceen.

Hadalka Guddomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullahi Cali Gooni ayaa ku soo adaya xili Dowlad iyo Shacaba lagu howlanyahay sidii loogu gurman lahaa dadka ay Abaaraha xogan saameeyeen ee ku soo barakacay Deegaanada Jubbalaand.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya