Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaarada Deegaanka iyo dalxiiska Dowlad Goboleedka jubaland ayaa dhir kala duwan kala wareegtay hay’adda himilo organization development. Kulankan ay wasarada deegaanka dhirta kula wareegtay oo ka dhacay deegaanka goobweyn ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiir kuxigeenka wasarada deegaanka iyo dalxiiska maxamed cabdinuur oo lawareegida heshiiska u saxiixaydowlada goboleedka jubaland iyo sidokale wakiilo ka socday hay’adda himilo iyo hay’adda fao
Ugu horreyn maxamed cali xasan oo ka socday hay’adda fao oo taagereysay mashruucan ayaa kawarbixiyay muhiimada ay dhirtu u leedahay deegaanka.
Cali maxamed cabdi, madaxa hawlgalinta hay’ada himilo ee jubaland oo dhirta kuwarejiyay wasiir kuxigeenka wasarada deegaanka iyo dalxiiska ayaa sheegay in ay sii laba jibaari doonaan shaqada ay bulshada u hayaan si deegaanka u noqdo mi cagaaran oo qurux badan.
Ugu dambeyn wasiir kuxigeenka wasaarada wasiir kuxigeenka wasaarada deegaanka iyo dalxiiska dowlada goboleedka jubaland ayaa dhankiisa sheegay ka wasaarad ahaan ku dadaali doonaan in deegaanada yoontooy gobweyn iyo sidokale deegaanada jubaland ay dhir kaladuwan oo waxtar leh ku beeri doonaan.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan ku eegaya