Maamulka Deegaanka Dhoobley oo ku baaqay gurmad Deg dega.

0
228

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose waxa uu kamid yahay deegaanada ay sida ba’an u saamaysay abaarta ku dhufatay qeybo badan oo kamid ah Gobolada Dalka, taasi oo sababtay xaalad bini’aadanimo oo soo wajahday dadka xoolo dhaqatada ee kuu nool Deeganada Miyiga ah .

Gudoomiyaha Magaalada Dhoobley Siyaad Maxamed Xassan oo wareysi siiyay warbaahinta Sanguuni ayaa ka warbixiyay saamaynta ay abaartu ku reebtay dadka degan Deegaanka Dhoobley iyo deegaanada hoos yimaada.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in baahiyaha hada ugu daran ee heysta dadka ay xooluhu dhaafeen ay tahay Raashin la’aan iyo hooy la’aan Maadmo xooluhu ahaayeen ilaha dhaqaale ay ku tiirsanaayeen.

Guddoomiye Siyaad ayaa ugu baaqay hay’addaha samafalka in gurmad dag dag ah lala soo gaadho dadka ku ceydhobay Abaaraha ku dhufatay Deegaanka.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya