Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wararka ka imanaya dalka Nayjeeriya ayaa sheegaya in 20 qof ay geeriyoodeen kaddib markii ay qallibantay dooni ay saarnaayeen gobolka Kano ee waqoyiga dalkaas.
Dhacdadan oo dhacday xalay ayay ciidamada booliska gobolka Kano sheegeen in kooxaha gurmadku ay biyaha ka soo saareen meydadka 20 ruux. Guud ahaan titada dadka saarnaa doonida ayaa lagu sheegay in ay ka badnayd 50 qof.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka ay doonidu la qallibantay ay ka tageen tuulada Badau kuna wajahnaayeen tuulada Bagwai oo ay qorsheynayeen in ay kaga qeyb galaan munaasabad islaami ah oo halkaasi ka dhacaysa.
Dadka ku haftay biyaha ayaa lagu soo warramayaa in qaarkood ay ahaayeen arday da’yar.
Booliska ayaa sheegay in ay weli ku howlanyihiin badai-goobka maqanayaasha dhacdadaas iyaga oo intaa ku daray in kuwii la soo badbaadiyay la dhigay isbitaalka si loo baxnaaniyo.
Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in doonidaasi ay qallibanto.
Dhacdooyinka ceynkan ah oo ku badan dalka Nayjeeriya ayaa loo aaneeyaa rarka tirada badan ee la saaro doonyaha, xaaladda doonyaha oo aan wanaagsanayn iyo in aanu jirin maamul arrinkaa kula xisaabtama milkiilayaasha doomaha.
Bishii May ayay ahayd markii dhacdo middan lamid ah ay ku geeriyoodeen 100 qof gobolka Kebbbi.