Abaaraha ka jira Deeganada Jubbaland oo saamayn ku yeshay ganacsiga degamada Af-madow.

0
228

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Qaar kamid ah Gobolada Dalkena Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar ba’an oo saamayn ku yelatay dadka iyo dunyada,Gaar ahaan Deganada Jubbaland waxay ku rebtay mahadho aan la ilaawidonin iyadoo dadkii boqolaal neef oo Xoala ah lahaaa ay manta yihiin dad caydh ah oo gacmo madhan.

Sido kale Deganada qaar ayay Wararku shegayaan iney dadku haraad daran la qurbaxayaan iyadoo halkasi ay ka dhalatay cabsi ku aadan xalku siduu noqon dono haduu Ebe Weyne u gar gaarin.

Ganacsiga Magaalada Af-madow oo kamid ah ilaha ugu muhiimsan ee nolosha kala socodsiiya ayaa dhankisa la kulmay saamaynta abartan baahsan iyadoo rer miyigii suqyada Magaalada maciishada kaso radsan jiray uu noqday mid noloshiisa iyo tan xolihiisaba la daalaa dhaca halkas oo ay suuq xumi ba’an ka soo food saartay Ganacsatadii nolol -maalmedkoda ka soo saaran jiray waxa ay ka iibsadaan xoolo dhaqatada.

Qaar kamid ah ganacsatada ku nool degmada Af-madow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyay sida ay u daremeen abarta ku dhufatay Magaalada A-fmadow iyo deganada hoos yimada, iyaga oo niyad sami mujiyay iyo sida ay qadarta Rabi ugu qanacsanyihiin.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa.