Kooxda Manchester United oo ugu dambeyn ku dhawaaqday Macallinkeeda cusub ee Ralf Rangnick

0
259

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday inay la soo wareegtay tababare Ralf Rangnick, kaasoo muddooyinkii ugu dambeeyey la hadal hayey inuu qaban doono shaqada Man Utd.

Macallinka reer Jarmal ayaa kooxda Red Devils tababare ahaan u maamuli doona inta ka dhimman xilli ciyaareedkan, waxaana labo sano oo kale uu sii ahaan doonaa la taliye kooxda ah.

Bayaan ka soo baxay kooxda Manchester United ayaa lagu yiri: “Manchester United waxa ay ku faraxsantahay inay ku dhawaaaqdo Macallinkeeda Ralf Rangnick oo si ku meel gaar ah kooxda u maalmi doona illaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, Ralf iyo kooxdu waxay ku heshiiyeen inuu door la taliyenimo ku sii shaqeeyo labo sano oo dheeraad ah.”

Sidoo kale kooxda Manchester United waxa ay shaacisay in kooxda uu sii maali doono Michael Carrick inta uu Macallin Rangnick helayo warqadda shaqada UK.