In kabadan 50 Arday oo baratay xirfaddaha Farsamada gacanta oo Munaasabad lagu qabtay Dhoobley.

0
269

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu qabtay Munaasabad ay ku qalinjabinayeen ku dhawaad 50 Arday oo baratay xirfadaha farsmada gacanta munaasabadan ayaa lagu qabtay xarunta farasamada ganacanta Wasda,waxaana ka soo qeyb galay Bahda waxbarashada Maamulka Deegaanka iyo Marti Sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa munaasabada daah furay mamulaha xarunta wasda Rashiid Ali Ahmed oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay maanta xaflad qalinjabin ah u sameeyaan aradaydii ay mudada wax soo barayeen isago intaasi ku daray in ay gudoonsiinyaan ardaydan qalinjabisay qalab ay ku shaqeysan donaan.

Dhankale waa kuwan iyagana qaar kamid ardaydii qalinjabisay oo kawarbixiyay sida ay ugu faraxsan yihiin qalinjabintooda maadaamo ay mudo soo wadeen barashada farsamooyinka gacanta.

Sido kale waxaa isna dhankiisa Munaasabada hadalo ka soo jeediyay Agasimaha waxbarashada ee Deegaanka Dhoobley Cabdinaasir Cabdullaahi Maxamed oo shegay iney muhiim u tahay dhalinyarada barashada xirfadaha farsamoyinka isagoona ku amaanay Hay’adda Wasda dadaalka xooggan ay galisay waxbarida Dhalinyarada Deegaanka.

Gabagabadii munasabada ayaa dhankiisa waxaaa ka hadalay Rabiic Maxamed Cabdi oo ku hadlayay Magaca Maamulka Deegaanka Dhoobley isago kula dardaarmay Aradaydii qalinjabisay in cilmiga ay barteen umada uga faa’iideeyaan maado waqti lagu bixiyay waxbaridooda iyagana hada loga bahaan yahay in naftooda iyo bulshada uga faa’iideeyaan wixii ay barteen.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa