Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Newcastle United, kaddib markii ay ku garaacday 2-0, xilli ciyaartan lagu daah furay kulammada Isbuuca 13-aad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan
Qeybta hore ayeey labada kooxood Arsenal iyo Newcastle United ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 56-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Bukayo Saka kaddib markii uu caawinta goolkan uu ka helay saaxiibkiis Nuno Tavares.
66 daqiiqo Gabriel Martinelli oo ay caawin kaga timid markale Nuno Tavares ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Arsenal.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay Arsenal kaga adkaatay kooxda Newcastle United oo ku soo booqatay garoonka Emirates, Gunner ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay fadhisaa kaalinta 5-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, iyada oo heysata 23 dhibcood.
SAWIRRO: