Tababar ku saabsan ka faa’iideysiga Shinida oo loo qabtay Qaar kamid ah Bulshada Goobweyn.

0
341

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sanadihii ugu dambeeyay waxaa qiimo sare gaaray Malabka Shinida,taasoo ka dambeeysay kadib markii uu Kordhay Isticmaalka iyo iibsiga Malabka shinida oo daawo u ah Caafimaadka guud ee Aadanaha.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Jubbaland ay Tababar u furtay qaar ka mid ah Xoogsatada Deegaanka Goobweyn oo isugu jira Rag iyo Dumar, Tababarkan ayaana lagu baranayay sida looga faa’iideeysan karo wax soo saarka Shinida.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdullaahi Cali Faarax ayaa waxaa ugu horeyn fah-faahin ka bixyay ujeedka tababarkan.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Nuur Cali ayaa dadka ka faa’iideysanaya Tababarka kula dardaarmay in ay sare u qaadaan wax soo saarka Malabka shinida oo daawo u ah Caafimaadka guud ee Aadanaha.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya.