Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-24-ka saac ee soo socota ayaa waxaa laga cabsi qabaa in duufaan xoogan ay ku dhufato qaar kamid ah gobolada Bari ee Maamulka Puntland, taas oo saameyn wyen reebi karta.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in duufaantaas laga cabsi qabo inay ku dhufato degaannada, Caluula, Xaafuun iyo isku shuban.
Dhamaan degaannada laga cabsi qabo inay duufaanta ku dhufto ayaa waxaa ay ka tirsan yihiin gobolada Bari, Gardafuu, Karkaar iyo Nugaal, waxana ay yihiin kuwo degaan xeebeedyo ah.
Horay degaano ka tirsan Mamulka Puntland waxaa ka dhacay duufaano ay ka mid yihiin Pawan 2019 iyo Gati 2020, waxaana ka dhashay dhibatooyin kala duwan.