Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland oo Tabarbar u qabatay qaar kamid ah Ganacsatada yar yar ee magaalada Kismaayo.

0
252

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboledka Jubbaland Cabdi Wahaab Axmed Cusman ayaa daahfuray tababar ay Wasaaradu uqabatay Qaar kamid ah Ganacsatada yar yar ee ku ganacsado Magaalada kismaayo.

Furitaanka tababarka ayaa sido kale waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Maamulka Maaliyada ahna ku simaha Agaasimaha Wasarada Ganacsiga Maxmed Faarax Axmed.

Siminarkan oo Socon doono mudo sadex Maalin ah ayaa ganacsatada yar yar ee ku ganacsada suqyada Magaalada kismaayo lagu bari donaa sidii loo hormarin lahaa ganacsiga yar yar.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa.