Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Fei Shengchao.
labada mas’uul ayaa waxaa ay wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo.
Intii lagu guda jiray kulanka,waxaa looga hadlay sare u qaadida iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo dardargelinta dhinac weliba si loo gaaro danaha guud iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah, waxaa sidoo kale ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee taabanayay danaha guud ee labada dal.
Dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, iyada oo dhowr jeer dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ugu deeqday tallaalka Cudurka COVID-19.