(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Granada oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.
Daqiiqadii 19-aad kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Marco Asensio kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Toni Kroos.
25 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Nacho Fernández oo caawin ay kaga timid Toni Kroos ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Real Madrid.
Daqiiqadii 34-aad kooxda Granada ayaa dhalisay gool waxaana 1-2 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Luis Suárez waxaana goolkan caawintiisu lahaa Maxime Gonalons.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Vinícius Jr oo caawin qurux badan ka halay saaxiibkiis Luka Modrić ayaa daqiiqadii 56-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.
76 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 1-4 ka dhigay Mendy oo caawin ka helay saaxiibkiis Casemiro
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-4 ay kaga soo adkaatay Real Madrid, kooxda Granada oo ay booqatay, Los Blancos ayaa haatan si ku meel gaar ah hoggaanka ugu qabatay kala sarreynta horyaalka La Liga kaddib markii ay uruursatay 30 dhibcood.