Wasiirka Ganacsiga oo ka qeybgalay munaasabad lagu daah-furayay Bangiga cusub ee My Bank “SAWIRRO”

0
259

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa  ka qeyb-galay munaasibad daah-fur looggu samaynaayey Bangiga cusub ee My Bank oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Munaasibadda daah-furka Banigaga oo sidoo kale uu ka soo qeyb-galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyey Wasiirku, wuxu hambalyeeyey ganacsatada Soomaaliyeed ee furtay bangigan oo uu sheegay inuu wax weyn ku soo kordhin doono horumarka iyo fududeynta ganacsiga dalka.