Maamulka xarunta Farsamada Gacanta Wasda ee Deegaanka Dhoobley oo kawarbixyay adegyada waxbarasho ay bixiso xaruntu.

0
169

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xarunta farsamada gacanta ee wasda ee Magaalada Dhoobley ayaa ah xarunta kaliya ee bixisa Barashada farsamooyinka gacanta nocyadooda kala duwan ee ku taala Deegaanka.
dhalinyaro badan ayaa fursado waxbarasho oo bilaash ah ka helay xaruntan iyada sanadahan dambe soo badanayaan dhalinyarada daneyneysa barashada xirfado noloshooda wax kabadali kara.

Xirfadaha kala duwan ee lagu barto Xarunta wasda ayaa kala ah sida barashada computerka,cilaan saarka ama qurxinta dumarka,barashada xirfadda korontada , makaaniga iyo sido kale barashada harqaanka, taaso ay ka fa’iideysten dhalinyaro badan oo hada noloshooda iyo mid qoysaskooda ka maareya xirfadihii ay halkan ka barteen.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku egeysa