Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika.

0
162

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ayaa gudaha dalkaas waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa dadka Ganacsi ahaan u tegay dalkaaa.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Maxamed Hilowle ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dileen Dukaankiisa oo kuyaal xaafadda Retreat oo qiyaastii (36km) u jirta Xaafadda Soomaalida Bellville ee Magaalada Cape Town.

Mid kamid ah Soomaalida kunool aaga dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in ka hor dilka kooxaha Burcadda ah ay weeydiiyeen lacag baad ah balse uu ka biyo diiday, iyaga oo dhowr xabadood ku dhuftay kadibna dhac u geystay dukaankiisa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo sameeyay baaritaano, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan burcadii dilka geeysatay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa maalin walba si bareer ah loogu dilaa Soomaalida, iyada oo dowladda Koonfur Afrika ku guul dareysatay inay wax ka qabato dilalka Soomaalida.