Muxuu ka yiri Carvajal kaddib markii uu Xavi si rasmi ah ula wareegay shaqada tababarnimo ee Barcelona?

0
145

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Xiddiga kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa muujiyay fikirkiisa ku aadan qaadashada Xavi Hernández ee mas’uuliyadda shaqada tababarnimo kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Dani Carvajal ayaa tilmaamay in dib ugu soo laabashada Xavi Hernández ee garoonka Camp Nou ay wax wanaagsan u noqon doonto kooxda Barcelona, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howshiisa cusub.

Xavi ayaa maalmo ka hor si rasmi ah ula wareegay tababarka Barcelona, ​​isagoo bedelay tababarihii reer Holland ee Ronald Koeman, kaasoo shaqada laga ceyriyay, kaddib natiijooyinka liita ay Bluegarana kala kulantay horyaalka La Liga ee dalka Spain, iyadoo kooxda ay ku jirto kaalinta 9-aad, iyadoo leh 17 dhibcood,

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Xiddiga kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal, wuxuuna yiri:

Image

“Xaqiiqdii, tani waxay ka dhigan tahay isbedel dhab ah, imaatinka qof sida Xavi oo kale ah ee kooxda Barcelona waxay siin doontaa xamaasad.”

“Xitaa haddii uu yahay tartame, waxaan u rajeynayaa nasiibka adduunka oo dhan, laakiin ma ahan marka ay naga soo horjeedaan, sababtoo ah waa saaxiib xirfadle ah.”

Carvajal ayaa diiday in Barcelona laga reebo kooxaha u sharaxan inay ku guulaysan karaan horyaalka xiliciyaareedkan, wuxuuna yiri:

“Markii uu Zidane yimid, waxaanu ka danbaynay Barcelona oo 12 dhibcood ku hogaaminaysay, waxaanan kaga dhamaysanay tartanka kaalinta kowaad, waxaana cadaadinay ilaa iyo ciyaartii ugu dambeysay.”