Guddomiyaha Deegaanka Dhoobley oo kawarbixiyey xaaladihii u dambeyay ee abaaraha kajira Deegaanka.

0
140

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Bilihii u dambeeyay meelo badan oo katirsan Deegaanada Jubbaalnd waxaa ka jiray abaaro baahsan oo galaafanayay xoolaha, iyada oo meelaha qaar laga soo warinayo dad haraad iyo gaajo u dhimanaya.
Guddoomyiha Deegaanka Dhoobley Siyaad Maxamed Xasan oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Sanguuni ayaa kawarbixiyay xaladihii dambeyay ee Abaaraha ka jira Deegaanka.

isago shegay in maalmihii u dambeyay ay ku howlanaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadka ay xooluhu dhaafeen, biyo dhaamina ay ka sameyeen Deegaano kala duwan oo ay ka jirto abaar baahsan.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shegay in kulamo kala duwan la yeesheen Ha’yadaha ka howlagala Deegaanka iyago kala hadalay wax u qabashada dadka ay abaaruhu saameyeen.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa xusay in ay diyaariyeen dhul ay ugu tala galeen in dibu dajin logu sameeyo dadka ay xooluhu ka dhamaadeen ee soo gaadhay Magaalada Dhoobley.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa.