Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne kuxigeenka Koowaad ee Dowladda Jubaland ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland.
Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixinno kala duwan looga dhagaystay Wasaarado kala duwan oo ay ugu horreyso Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia iyo Seychelles.
Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah Madaxwaynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa 30-ka bishii ina soo dhaaftay ee Octobar magacaabay Xisaabiyaha guud.