Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa mas’uuliyiinta caafimaadka dalkiisa ku amaanay talaabada ay qadeen ee ku saabsan in carruurta da’dooda ay u dhaxayso Shan sanno ilaa 11 sano jirka la siiyo tallaalka Pfizer-Biontech ee ka hortagga fayraska Corona.
War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arramiyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in tallaalkan uu soo afjari doono welwelka waalidiinta ee ku saabsan in uu carruurtooda ku dhaco xanuunka COVID 19.
Qoraalka ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiri: “ tani waa tallaabo weyn oo horumar u ah Qarankeenna, waxayna naga caawineysaa dagaalka aan kula jirno Corona Virus.”
Waaxdda Caafimaadka Maraykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Maraykanku uu bilaabi karo in la siiyo carruurta da’doodu ay u dhaxayso 5 ilaa 11 sano, tallaalka Pfizer-Biontech, Kaas oo sida la sheegay waddada u furaya la dagaallanka Feyruskan aafeeyay dunida.
Sida laga soo xigtay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka, in ka badan 700 oo carruur ah oo ay da’doodu ka yartahay 18 sano ayaa u dhintay Corona.