Dowladda Somalia oo Mareykanka & Kenya kala hadashay Arrimaha doorashooyinka

0
166

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Colleen Crenwelge , waxa ayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda.

Kulanka ayaa la iskula eegay xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo gobolka, sidoo kale arrimaha doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo u diyaar garowga qabashada doorashada Madaxweynaha.

Dhimaca kale  Wasiir Cabdrisaaq ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah u dhexeeya iyo qabanqaabada kulan ay yeesheen guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya.

8 bishii August, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulankoodii Muqdisho waxa ay isku-afgarteen in la dedejiyo qabsoomidda kalfadhiga seddexaad ee Guddiga Wadajirka ah si loo ambaqaado waxyaabaha dano wadaagga sida Ganacsiga, Maalgashiga, Amniga, Gaashaandhigga, Beeraha, Dalxiiska, iyo xiriirka labada dad.