Macron oo raysalwasaare kale ku eedeeyey y in uu ‘beenaale’ yahay

0
197

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison uu ka been sheegay heshiis la laalay.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ra'iisul
Wasaaraha Australia Scott Morrison uu ka been sheegay heshiis la laalay.
Madaxweynaha oo la waydiiyay in uu u malaynayo in Mr Morrison uu yun
sheegayey iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: "Uma malaynayo, waan ogahay."
Mr Macron ayaa aad uga cadhooday ka dib markii Australia ay baabi'isay
heshiis ku kacaya $37bn (£27bn) oo lagu dhisayo 12 markab oo badda quusa,
taa beddelkeedana ay heshiis cusub oo difaac ah la gashay Mareykanka iyo UK
– gaar ahaan waxa loogu yeedho Aukus.
Mr Morrison waxa uu dafiray in aanu daacad ahayn.
Kulankii labadooda ee G20 ayaa ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii uu
khilaafku soo shaac baxay bishii September.
Dhinaca isu imaatinka Rome, ayaa madaxweyne Macron waxa uu weriye
Australian ah weydiiyey inuu mar kale aamini karo Mr Morrison iyo in
kale."Waan arki doonaa waxa uuu la yimaaddo," ayuu ku jawaabay Mr Macron.
"Dalkiina aad baan u ixtiraamayaa, dadkiina waxaan u hayaa ixtiraam iyo
saaxiibtinnimo badan, waxaan leeyahay marka aynu ixtiraamno waa inaad run
noqotaan oo aad u dhaqantaan sinnaan iyo si joogto ah uga turjumaysa
qiyamkeenna."
Heshiiskaas la joojiyay ayaa horseeday khilaaf ba'an oo u dhexeeya Faransiiska,
Australia iyo Mareykanka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa
dhaleeceeyay go'aanka isagoo ku tilmaamay "mid dhabarka laga toogtay",
waxayna Paris si ku meel gaadh ah ugu yeedhay danjirayaasheedii u joogay
Australia iyo Mareykanka.
Jimcihii, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sidoo kale kulan fool ka
fool ah la yeeshay Mr Macron tan iyo markii la isku raacay heshiiskii Aukus.
Intii lagu guda jiray iswaydaarsiga u muuqday mid qallafsan, Mr Biden waxa uu
qirtay in Maraykanku uu "ku wareeray" wada xaajoodka. Mr Macron waxa uu
sheegay in ay muhiim tahay in "la eego mustaqbalka".
Hogaamiyayaasha ayaa heli doona waqti dheeraad ah oo ay ku hagaajiyaan
xidhiidhkooda, maadaama ay seddexdooduba hadda ku wajahan yihiin
magaalada Scotland ee Glasgow si ay uga qaybgalaan shir madaxeedka COP26ee isbedelka cimilada.