Isbitaalka Somali Sudanese oo guuleystay abaalmarinta isbitaalka ugu Wanaagsan

0
252

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Isbitaalka Somali Sudanes loogu abaal mariyay in uu moqday Isbitaalka ugu wanaagsan sanadkan 2021 kadib markii la qiimeeyay xarumo caafimaad oo kala duwan kuna ka yaalla Gobolka Banaadir

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan bahda caafimaadka sida dhaqaatiirta, Isbitaalada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda, iyo masuuliyiin sarsare oo ka kala socdo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana
qiimeen ay sameeysay Somali health awards  loogu doortay Isbitaalka Somali Sudanese in uu yahay isbitaalka ugu fiican Sanadka 2021.

Ma ahan markii ugu horreysay uu isbitaalka Somali Sudanese uu ku guuleysto abaalmarintaan. Sidoo kale isbitaalka Somali Sudanese wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Mogadishu Health Awards sannadka 2020.

Isbitaalka takhasusiga ah ee Somali Sudanese waa isbitaalka ugu wayn ee gaar loo leeyahay kuna yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana la Aas’aasay sanadkii 2014, iyada oo ay dhiseen ganacsato Soomaaliyeed xilli bulshada Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabeen adeeg caafimaad oo lagu asteeyay hufnaan iyo tayo, waafaqsanna halbeegyada caalamiga ah ee loo jideeyay daryeelka bukaan socodka iyo bukaan jiifkaba.

Isbitaalka Somali Sudanese waxaa markiisii hore lagu bilaabay 50 sariirood iyadoo maantana uu sariiraaha bukaanka la gaarsiiyay in ka badan 120 sariirood.

Isbitaalka Somali Sudanese waxaa ka hawlgalla 22 dhaqaatiir ah oo aqoon xeel-dheer iyo waaya-aragnimo u leh dawaynta cudurada kala duwan. Waxayna dhaqaatiirtaas isugu jiraan
• Dhaqtarka Cudurada Guud
• Qalliimada guud
• Dhaqtarka Lafaha
• Dhatarka maqaarka
• Dhaqtarka caloosha (gastroenterology)
• Dhaqtarka wadnaha (Gardiology)
• Dhaqtarka Cunaha, dhagaha, & Sanka (ENT)
• Dhaqtar haweenka
• Dhaqtarka Killiyaha iyo kaadimareenka (Urology).