(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa taariikh wanaagsan ku leh kulanka El Classico intii uu u ciyaarayay kooxda uu macallinka u yahay haatan inkastoo wali uu raadinayo inuu kulankan guul ka keeno isagoo tababare ah maadaama labadii jeer ee hore la garaacay.
Haddii aan ku hor marno isagoo macallin ah, Koeman ayaa Real Madrid garaacay isagoo hoggaaminaya naadiga Valencia ciyaar ka tirsan horyaalka La Liga bishii May ee 2008 taasoo ku dhammaatay 3-2, xilli ciyaareedkaas waxaa horyaalka ku guuleystay Los Blancos, isagana waa la ceyriyay.
Sidoo kale, waxa uu wajahay isagoo Barca hoggaaminaya bishii October ee sanadkii hore markaas 1-3 lagu garaacay isagoo Camp Nou jooga, waxaana loo raaciyay guuldarro kale bishii April ee sanadkan markaas 2-1 lagu lagday.
Isku soo duub e, Koeman ayaa hal guul ka heysta Madrid iyadoo uu labo guuldarrana kagala kulmay isagoo macallin ah, waxaase ka xiiso badan xilligii uu ciyaaryahanka ahaa, markaas oo uu wajahay 17 kulan, lix guul ayuu ka gaaray, lix jeerna isagaa guuldarreystay halka shan kulan ay barbarro ku dhammaadeen, balse isaga ayaa shaqo wanaagsan qabtay kulammadaas maadaama uu shan gool dhaliyay isagoo ka ciyaaraya difaaca.
Si kastaba ha ahaatee, kulankiisii saddexaad ayuu maamuli doonaa Barca ciyaarta El Classico marka ay Real Madrid soo booqato Camp Nou galabta 5:15 galabnimo xilliga Geeska Afrika.