Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xariga ka jartay qeybta daryeelka Carruurta ee Isbitaal Banaadir oo dib u dayactir lagu sameeyay
Maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallanka ee Banaadir iyo Afar iyo Toban Jaamacaood ayaa iska kaashaday dib u dayactirka xaruuntan oo ah qeybta daryeelka Carruurta taas oo ka kooban Shan qeybood oo lagu fulin doono shaqooyinka maalinlaha ah ee uu isbitaalku u qabto bulshada kuwooda ugu nugul.
Munaasabad kooban oo xariga looga jaray qeybtan oo ka kooban Pharmacy, qeybaha gargaarka deg dega, bukaan jiifka iyo qeybo kale oo muhiima ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Maamulka Isbitaal Banaadir, Madaxda jaamacadaha iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif Maxamed Ayaa u mahadcelisay madaxda Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo jaamacadaha ka qeyb qaatay dib u dayactirka Qeybta Carruurta oo kamida goobaha muhiimka ah ee Isbitaalka.
Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Daahir Xasan Carab oo ku hadlay magaca jaamacadaha doorka ka qaatay dib u dhiska qeybta Carruurta Ayaa sheegay inay si wadi doonaan Ka qeyb qaadashada wax walba oo lagu horumarinayo dalka.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur Ayaa jaamacadaha uga mahadcelisay doorka muhiimka ah oo ay ka qaateyn Isbitaal Banaadir, waxeyna dhinaca kale xustay In dowladaha kala duwan ay kala hadashay sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeyn horumarinta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.
Gabagabada munaasabada ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay jaamacadaha iyo Mas’uuliyiintii doorka ka qaatay dib u dayactirka qeybta Carruurta ee Isbitaal Banaadir.