Salaad aan Kala Fogaansho Lahayn oo Lagu Oogay Xaramka Barakeysan

0
312

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaddib sanad iyo bar uu dunida halkeeyay xanuunka Covid-19, maamulka masjidka xaramka ee Maka Al mukarama ayaa muslimiinta ka dabciyay qaar kamid ah tallaabooyinkii lagu yareynayay faafitaanka xanuunka.

Dadkii saaka salaadda subax halkaas ku oogay ayaa la arkayay iyaga oo garbaha iyo cirbaha simay arrintaasi oo ahayd mid ay ka caagganaayeen intii uu dunida ku faafay xanuunka Covid-19

Sidoo kale waxaa darbiyada xaramka laga fujiyay dhammaan sawirradii iyo calaamadihii tilmaamayay kala fogaanshaha dadweynaha hasayeeshee waxaa qasab ah in dhammaan dadka masjidka galaya ay tallaal buuxa qaateen ayna marnaba iska furin af xirka ama Facemask-ka.

Xarmaka Makka iyo guud ahaan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa xoogaa laga dabciyay tallaabooyinka la dagallanka xanuunka Korona.