Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Turkiga ayaa ka codsaday Maraykanka inuu ka iibiyo 40 diyaaradaha dagaalka ee nooca loo yaqaan F-16, iyo weliba ku dhawaad 80 ah qalabka lagu casriyeeyo diyaaraha dagaalka.
Xukuumadda Ankara ayaa doonaysa inay casriyeyso ciidankeeda cirka kadib markii uu Maraykanka ka iibin diiday diyaaradaha dagaalka nooca u dambeeyay ee F-35, kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada waddan.
Telefishinka NTV ee Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha iyo qalabka ay dalbatay xukuumadda Ankara ay ugu kici doonaan lacag dhan 10 bilyan oo dollar.
Turkiga ayaa kal hore codsaday in laga iibiyo in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca F-35, balse waxaa laga saaray barnaamijkaas sanadkii 2019 kadib markii uu soo iibsaday habka difaaca gantaallada ee Ruushka ee loo yaqaan S-400.