Puntland oo Macalimiinta Iskuulada ka tallaaleysa COVID-19

0
319

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa maanta ka billowday dugsiyada sare ee gobolka Bari ee Maamulka Puntland Talaalka macalimiinta iyo ardayda ka weyn 18 Sano ee dhigta dugsiyadaas.

Olalahan oo socon doona 10 maalmood ayaa loogu talagalay in lagu talaalo 740 qof oo isugu jira macalimiin iyo ardayda dugsiyada sare dhigta ee ka weyn 18 Sano.

Tallaalka ayaa maanta laga bilaabay dugsiga sare ee Public School iyo dugsiga sare ee Nawaawi,guud ahaan gobolka ayaana maanta laga wada bilaabay.

Agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah Abdirisaaq Abshir Xirsi ayaa kala qaybgalay furitaanka talaalka waxaana uu macalimiinta iyo maamulada dugsiyada kula dardaarmay inay talaalka qaataan si loo helo waxbarasho badbaadsan.

Mashruucaan oo loogu magac daray Tallaalka badbaadsan ayaa waxaa ka wada qayb qaadanaya wasaaraddaha Caafimaadka iyo Waxbarashada oo kaa shanaya hay’adda Save The Children waxaana laga fulinayaa 369 dugsi sare oo ku yaala Puntland.