EPL: Kooxaha Liverpool iyo Man City oo dhibcaha ku qeybsaday Garoonka Anfield kulan afar gool la iska dhaliyey

0
245

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield kulan afar gool la iska dhaliyey oo qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood Liverpool iyo Manchester City ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah, inkastoo ay Man City soo mareen fursado goolal loo filan karay.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib la isugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan, iyadoo ay surogal noqotay in afar gool la iska dhaliyo labada dhinac.

Daqiiqadii 59-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Mane, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Salah.

69-daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester City ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay P. Foden oo caawin ay kaga timid Jesus.

Markale Liverpool ayaa hoggaanka ciyaarta dib ugu soo laabatay 76’daqiiqo, waxaana ugu shubay Man City Mohamed Salah oo si qurux badan u dhex jeexay wiilasha Sky Blue kaddib caawin uu ka helay Curtis Jones, Reds ayaana kulanka ku hoggaamisay 2-1.

Daqiiqaddii 81’aad ee ciyaarta Manchester City ayaa la timid goolka barbaraha waxaana 2-2 ka dhigay Kevin De Bruyne kaddib markii uu laad saaquur ah ku tuuray goolka Liverpool.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay barbaro 2-2, iyadoo labada kooxood ay dhibcaha ku qeybsadeen Garoonka Anfield.

Liverpool oo ku jirta labaad ayaa leh 15 dhibcood, halka Man City oo booska saddexaad ku jirta ay min 14 dhibcood la wadaagto Man United, Everton iyo Brighton.