“Way xanuun badan tahay daawashada tartamada Yurub la’aanta Arsenal” – Arteta

0
224

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay inuu aad u xanuunsanayo marka uu daawanayo tartamada Yurub la’aanta kooxdiisa.

Arteta ayaa wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in dareenkan adag uu siin doono dhiirigelin ah inaysan ku soo laaban arrintan sanadka soo socda.

Arsenal ayaa ku dhameysatay kaalinta sideedaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay ku guuldarreysatay inay u soo baxdo tartamada Yurub markii ugu horreysay tan iyo 1995-kii.

Mikel Arteta oo ka soo muuqday shir jaraa’id ayaa wuxuu warbaahinta u sheegay:

“Aad ayay u xanuun badnayd labadii maalmood ee la soo dhaafay in la daawado kooxaha kale ee ka ciyaaraya Yurub la’aanta Arsenal.”

“Ma doonayo inaan la fadhiisto Arsenal meel ka baxsan tartamadaan, waxaan leenahay diirad iyo xamaasada ah inaysan nagu soo laaban arintan.”

Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 16 -aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, waxaana ay guushii ugu horreysay xilli ciyaareedkan ka gaartay Norwich City, xilli ay sabtida booqan doonto naadiga Burnley.