Dowladda Japan oo joojisay talaalka COVID-19 ee Shirkadda Moderna

0
188

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Japan ayaa hakisay qaadashada tallaalka Moderna ee lagu farsameeyay gudaha dalka Maraykanka.

Moderna oo ah tallaal loogu talo galay in lagaga hortago fayraska dilaaga ah ee Covid-19 ayaa laga helay walxo madaw, sida ay sheegeen khubarada dalka Japan.

Walxo tiro badan oo madaw ayaa lagu dhex arkay tallaalka ay farsamaysay shirkadda Moderna, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka Japan.

Ku dhawaad 4000 oo qof ayaa nooca tallaalkan qaatay gudaha dalka Japan, balse inta hadhay ayaa laga joojiyay dadka in ay qaataan, illaa inta badqabkeeda laga hubinayo.

Shirkadaha dawooyinka ka shaqeeya ee tallaalka geeyay Japan ayaa illaa iminka isku khilaafsan sababta dhabta ah ee keentay walxaha lagu dhex arkay tallalka Moderna.

Qaarkood ayaa qaba in walxahani ay kasoo raaceen xarun ku taala Spain, halkaas oo tallaalka lagu habeeyay xidhmooyinkiisa, balse weli lagama oga sababta dhabta.