WHO oo sheegtay in cudurka karoona feyris uu ku sii fidayo dalalka Yurub

0
196

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha xafiiska Yurub ee hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegay in cudurka karoona feyris uu ku fidayo dalal badan oo ka mid ah Yurub kadib markii uu ragaaday ama inta badan dadka ay qaadan waayeen talaalka COVID-19.

Hans Kluge ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda hadda ka jirta Yurub islamarkana laga cabsi qabo in cudurkan uu galaafto nolosha dad badan.

Agaasimaha Xafiiska WHO ayaa sheegay in dadka qaarkood markii saddexaad ay qaateen talaalka COVID-19 si looga gaashanto cudurkan.